Maxaa loo isticimaalaa Raadinta Dadka ee Ururka Laanqayrta Cas?
Iyadoo la kaashanayo Raadinta Dadka ee Ururka Laanqayrta Cas ayaa la raadin karaa dadka ehelka ee xiriirkiinu lumay dagaal ama masiibo dabiici ah darteed.
Waddamadee baa Raadinta Dadka laga samayn karaa?
Waddan walba oo uu Ururka Laanqayrta Cas ama Ururka Bisha Cas ka shaqeeyo. Wakhtiyada ay jiraan dagaallo ama masiibooyinka dabiiciga ah waxaa dhici karta in siday Ururka Laanqayrta Cas suuragal ugu tahay inuu sameeyo Raadinta dadka noqoto mid xadidan.
Sidee bay Raadinta Dadku u shaqaysaa?
Qofka wax raadinaya ayaa buuxbuuxiya foomka Raadinta Dadka, wuxuuna u gudbiyaa Ururka Laanqayrta Cas. Xafiiska Dhexe ee Ururka Laanqayrta Cas ee Finland ayaa foomka falanqayn ku sameeya, ka dibna foomka waxaa loo diraa waddanka qofka ama dadka laga raadinayo. Marka qofkii la raadinayey la helo, waxaa la weydiiyaa, inuu rabo inuu la xiriiro qofka isaga raadinaya. Haddii uu rabo inuu la xiriiro, Ururka Laanqayrta Cas ayaa qofka cinwaankiisa u diraya qofkii isaga raadinayey.
Yaa raadinta sameeya, wararka aan bixiyey yaa helaya?
Raadinta waxaa sameeya shaqaalaha meeshaas jooga ee Ururka Laanqayrta Cas ama Ururka Bisha Cas u shaqeeya, ama shaqaalaha u shaqeeya Golaha Caalamiga ah ee Ururka Laanqayrta Cas. Wararka waxaa cid loo siiyaa oo keliya si loo helo qofka la raadinayo cinwaankiisa. Haddii aanu isticimaalno joornaal, idaacad, internetka ama wax kale oo warbaahinta ah, si gaar ah ayaannu qofka u weydiinnaa inuu sidaas raalli ka yahay. Wararka ma siinno cid aan shaqo ku lahayn.
Intee in le’eg bay qaadataa Raadinta Dadku?
Aad bay u adag tahay in la qiyaaso muddada ay Raadinta Dadku qaadanayso. Raadintu waxay ku xiran tahay waddanka, dagaalka jira, siday dadka la raadinayaa u guureen iwm. waxyaabahaasina waa waxyaabo ay adag tahay in la qiyaaso. Hase yeeshee wax walba oo suuragal ah waannu isku daynaa, wakhtiba ha qaateene.
Maxaa dhacaya haddii aad qofkaan raadinayey heli weydaan?
Marka raadintii caadiga ahayd la joojiyo, qofkii wax raadinayey waannu u soo sheegnaa. Laakiin qofkii la raadinayey wararkiisu waxay ku jirayaan diwaankayga wararka lagu kaydiyo, markaas haddii wax cusub soo kordhaan, dib ayaannu u bilaabi karnaa raadinta.
Maxay tahay sababta aan u buuxbuuxinayo ogolaanshaha si wararka falanqayn loogu sameeyo darteed?
Ogolaanshaha waxaad raalli kaga noqonaysaa in wararka falanqayn lagu sameeyo iyo in la diro. Haddii aadan ogolaanshaha bixin, raadinta ma samayn karno.
Waxaan ahayn qof aan qaangaar ahayn, waalidkey ma raadin karaa?
Waad bilaabi kartaa Raadinta dadka, laakiin si wararka falanqayn loogu samayn karo, waa inaad ogolaansho ka codsataa qofka kaa masuulka ah (huoltaja) ama qofka wakiilka kuu ah (edustaja).
Ma raadin kartaan dad kale oo aan dagaal ama masiibo dabiici ah darteed ku lumin?
Haa, laakiin raadinta noocaas ah waxay leeyihiin waxyaabo xadidaya oo waddamada kala duduwan leeyihiin. Haddii qofka aanu awoodin inuu isagu raadinta sameeyo, markaas waannu ka caawinaa raadinta. Tusaale ahaan haddii qofku da’diisa oo waayeel ah darteed ama jirradiisa darteed aanu isagu raadinta samayn karin.
Waxaan hayaa dhaxal laga dhintay oo qofkii dhaxalka lahaa waddanka dibediisa ayuu ku maqan yahay oo waa la la’ yahay, ma i caawin kartaan?
Arrimaha dhaxalka la xiriira ma samayno. Arrimaha dhaxalka la xiriira waxaa hawlahooda qabta xafiiska ka caawinta arrimaha maxakamadaha (oikeusaputoimisto), xafiisyada qareenada (looyarada) iyo wasaaradda arrimaha dibedda.
Waxaan samaynayaa baaritaan ah taariikhda asalka qaraabo (sukututkimus), Ma i caawin kartaan?
Ururka Laanqayrta Cas ma sameeyo baaritaanka taariikhda asalka qaraabo. Waxaannu raadinaa dadka la waayey dagaallo dhacay ama masiibooyinka dabiiciga ah oo dhacay dartood.
Su’aashayda jawaabteeda kama helin liiskan
La xiriir Xafiiska Dhexe ee Ururka Laanqayrta Cas, Raadinta Dadka (henkilötiedustelut),
tel. (09) 129 3344 ama E-mail aki.vaila(at)redcross.fi

