Viestilomakkeen täyttäjä
Su’aalo iyo jawaabo ku saabsan Fariinta Laanqayrta Cas

Waa maxay Fariinta Laanqayrta cas?

Fariinta Laanqayrta cas waa foom qaabkuu yahay si wadashaqayn ah loogula heshiiyey Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas. Foomamku iyagoo luuqado kala duduwan ah bay jiraan. 

Maxaa loo isticimaalaa Fariinta Laanqayrta Cas?

Fariinta Laanqayrta cas waxaa la isticimaalaa, markaadan si kale ehelkaaga ula xiriiri karin, tusaale ahaan markay jiraan dagaal ama masiibo dabiici ah.

Waddamadee baa loo diri karaa Fariinta Laanqayrta Cas? 

Waddamada Laanqayrta Cas ay ka bilowday inay fariimaha u gudbiso. Haddii aadan hubin inuu qofka macaamiishaada ah u diri karin waddankaas Faraiinta Laanqayrta Cas, arrinta waxaad ka hubsataa Xafiiska Dhexe ee Ururka Laanqayrta Cas ee Finland, tel. (09) 129 3344.

Maxay tahay in fariinta lagu qoro?

Bogga koowaad waxaa lagu qorayaa macluumaadka qofka fariinta diraya iyo macluumaadka qofka fariinta loo dirayo. Qaybta fariinta loogu talagalay waxaa lagu qorayaa fariinta dadka qoyska ah shakhsi ahaan loogu dirayo. Fariinta kuma qornaan karaan waxyaabo siyaasad ah, waxyaabo ciidamada ah ama waxyaabo koox lagu cunsuriyadaynayo..

Luuqadee baa fariinta lagu qorayaa?

Fariinta waxaad ku qori kartaan luuqadiina hooyo. Haddii aad isticimaashaan xarfo aan ahayn alifbeetada laatiinka, meesha cinwaanka dadka magacyadooda iyo meelaha magacyadooda ku qora labada nooc ee alifbeetada ahba, si aanay u dhicin khaladaad turjubaanidda ka yimaada.

Maxay fariintu u tahay mid laba qaybood ah?

Qaybta koowaad (meelaha 1-6.) qofka fariinta diraya ayaa loogu talagalay inuu buuxbuuxiyo, markaas fariinta jawaabteeda qaybta kale ayaa lagu soo gudbin karaa. 

Fariinta Laanqayrta Cas ma raacin karaa lacag ama daawooyin?

Laanqayrta Cas laguma diri karo oo looma dhiibi karo lacag ama daawooyin.

Fariinta ma raacin karaa sawir iyo bog kale?

Inta badan waad raacin kartaa. Waxaase dhici karta in marmar ay jiraan xaalado khaas ah dartood ay noqoto, inaannu xadidno intay fariintu dherer ahaan noqonayso, sababo baraktikal ah dartood.

Xitaa anigoon cinwaan hayn fariinta ma diri karaa?

Fariinta Laanqayrta Cas waa inay cinwaan ku filan, si ay shaqaalahayagu fariinta ugu gudbin karaan cidii loogu talagalay. Hase yeeshee waxaa jira waddamo aan lahayn cinwaanno toos ah. Markaas oo kale tusaale ahaan waxaad sawiri kartaa khariidad aad fariinta raacinayso. Cinwaanka waxaa lagu qiyaasi karaa, tusaale ahaan idigu cinwaankaad sheegtay ma ku heli kartaa qofka fariinta loo dirayo.

Yaa gudbiya Fariinta Laanqayrta Cas?

Sida caadiga ah shaqaalaha u shaqeeya Ururka Laanqayrta Cas ee waddankaas ka jira, mararka qaarna shaqaalaha Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa fariinta geeya cinwaanka la bixiyey.

Intee in le’eg bay qaadataa in Fariinta Laanqayrta Cas la gudbiyo?

Ururka Laanqayrta Cas wuxuu isku dayaa inuu sida ugu dhakhsa badan ee suuragalka ah Fariinta Laanqayrta Cas ugu gudbiyo cidii loogu talagalay. Waxaa dhici karta in meelaha dagaaladu ka jiraan xaaladahoodu si lama filaan ah isu beddelaan. Suuragal ma aha in la sheego wakhti cad oo la dhihi karo fariinta qofkii loogu talagalay baa loogu gudbinayaa.

Maxaa dhacaya haddii Ururka Laanqayrta Cas heli waayo qofkii fariintu ku socotey?

Fariinta waannu soo celineynaa, oo waxaannu isku daynaa inaannu ku soo qorno sababta loo waayey qofkii fariintu ku socotey.

Xaggee loo soo gudbiyaa Fariinta Laanqayrta Cas?

Fariimaha Laanqayrta Cas oo dhan waa in loo soo gudbiyaacinwaanka:

Suomen Punainen Risti, henkilötiedustelut, PL 168, 00141 Helsinki 

Su’aashayda jawaabteeda ma helin, xaggee baan ka heli karaa faahfaahin dheeraad ah

Xafiiska Dhexe ee Ururka Laanqayrta Cas, Raadinta Dadka (henkilötiedustelut),
tel. (09) 129 3344 ama E-mail aki.vaila(at)redcross.fi