Ururka Laanqayrta Cas wuxuu soo bandhigayaa caawin uu dadka ka caawinayo war la’aanta, iyadoo dadka isku qoyska ah ee kala maqan laga caawinayo siday isu heli lahaayeen iyo siday u wada xiriiri lahaayeen.
Raadinta Dadka waxaa lagu raadiyaa dadka ehelka ah ee la la’ yahay
Iyadoo la kaashanayo Raadinta Dadka (tracing) ayaa la raadiyaa dadka isku qoyska ah ee dagaal ama masiibo kale oo dhacday darteed kala lumay.
Meelaha dagaalladu ka jiraan hawshan waxaa hogaamiya Golaha Caalamiga ah ee Ururka Laanqayrta Cas (ICRC). Goluhu wuxuu sannad walba sameeyaa 10 000 oo cusub oo Raadinta Dadka ah, wuxuuna gudbiyaa in ka badan 500 000 oo fariimo ah.
Dhammaan 186 urur ee waddamadu leeyihiin ee ah Ururuada Laanqayrta Cas iyo Ururada Bisha Cas, waxay ka qaybqaataan isu keenidda qoysaska. Ururka Laanqayrta Cas ee Finland wuxuu ka tirsan yahay shebekaddan adduunka oo dhan ku fidsan. Sannad walba waxaannu samaynaa qiyaastii 150 Raadinta Dadka ah oo in 30 waddan ka badan dadka laga raadinayo.
Su’alo iyo jawaabo ku saabsan Raadinta Dadka
Ururka Laanqayrta Cas dadka Finnishka ah kama raadiyo Finland dhexdeeda. Arrimaha noocaas ah waa in la isticimaalaa adeegga telefoonka ee lacagta ah ee Xafiiska Diwaangelinta Dadka (Väestörekisteri), lambarku waa: 0600 01000.
Fariimaha Ururka Laanqayrta Cas waxay caawiyaan wada xiriiridda
Ururka Laanqayrta Cas wuxuu sidoo kale dadka isku qoyska ah ka caawiyaa, inay isla xiriiraan, markaanay boostada caadiga ah iyo war isgaarsiintu shaqaynayn dagaal ama masiibo kale darteed. Ururkayagu wuxuu fariimaha (Red Cross Message) gudbiyaa ilaa inta isgaarsiimuhu caadi ku soo noqonayaan.
Ururka Laanqayrta Cas ee Finland wuxuu sannad walba Finland ka qaadaa oo gudbiyaa qiyaastii 50 fariimood, waddamada kalena wuxuu ka helaa intaas in le’eg.
Su’aalo iyo jawaabo ku saabsan Fariinta Laanqayrta Cas
Meel kugu xiraysa boggaga Soomaaliya ee Golaha Caalamaiga ah ee Ururka Laanqayrta Cas: www.icrc.org/Web/doc/siterfl0.nsf/htmlall/familylinks-somalia-som
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan raadinta dadka iyo fariimaha Laanqayrta Cas waxaa laga helaa Xafiiska Dhexe ee Ururka Laanqayrta Cas ee Finland (Suomen Punaisen Ristin keskustoimisto): Aki Väilä, (09) 1293 344 ama aki.vaila(at)punainenristi.fi
ama xafiiska Ururka Laanqayrta Cas ee gobolka kuugu dhow (piiritoimisto). Adeegu waa lacag la’aan.
Sawirada: ICRC

